Monday, December 28, 2009

darbadaaley, gabaygii aw muuse ismaacil

Taariikhda Gabayada
Ka Wikipedia
U bood: navigation, raadi
[Wax ka bedel] Taarhiikhda Gabayada
Gabayada afsoomaliga lama yaqaan sida uu u bilawday sida afka soomaliga oo kale laakiin waxa macruuf ah in gabayga soomaliga ahi soo maray marxalado fara oo loo aanayan karo abwaanadii hore. tusaale ahaan raage ugaas oo ku soo kordhiyay habka laba dhaca qaafiyada, ugaas nuur oo soo kordhiyay habka maansada iyo gabayada gaagaabn iyo sdioo kale isticmaalaka ereyo badan oo soomali ah. Darbadaaley. sheeko beena ayaan idinku dul sameynayaaye eega bal kkkkkk. iga raseeya idinku taariikhdii isaaqaan tirtirayaaye nimankii garxajis siiba ciidagalee gabeyga balada ku qabey iyo habar jeclo waa waxba kama jiraan gabayga daarood ayaa iskalhaa aleylee nin la oran jirey xuseen xasan ayaa ereyga suugaan oo afsoomaaliga macne kale ku lahaa u adeygsadey waxa hada loo yaqaan suugaan waxa uu ahaa nin isaaq ah oo rer guuleed suldaan ahaa waa ciidagle , nin kaas mooyaane kaas oo sida taariikhda lagu hayo tirshey gabay la oran jirey suugaan gabey . marar kaloo uu tirinaayey gabayna uu ku hal qabsadey suugaan gabey hadaan siinka ka hingaadhso, runtii waxa jiri jirey rag gabeyga wax yayaqiin oo isaaq ah se taariikhdoodii waa ay luntey . sida ragii noolaa 1700 dii sida Madar-gariirood, xandule nuur, nuur dhago-cun, waran kalyaale ,xaye galeydh,xuseen gadiid,aw ibraahin,.laakiin ragii ragaa ka danbeeyey ee jirey dabayaaqadii 1800dii ilaa 1900dii bilowgiisii ayaa lahayaa ragii ina cabdula xasan la xili ahaa iyo kuwii waxoogaaga kayara horeeyey. sida Salaan carabey ,xuseen aflow ,qowdhan ducaale,birdhiirle,cabdi gaheyr,gamuute,cali jaamac haabiil,muxumed xaashi,cumar ustareeliya,cabaade,afqalooc,ilma fadal,godane,cayuun,yawle, xasan tarabi,timacade,iyo qaar kaloo aad u badan . waxase oo jira nin wakhtigii uu jirey kacaankii barakeysnaa ay noqdeen qolyihii ay ragaasi ka soo jeedeen kacaan diid sidaa awgeed waa laga tirtirey taariikhda soomaaliyeed . waxaa mudnaan iyo xusid mudan in rerka daarood siiba rerka harti siiba rerka dhulbahante ama siciid harti ay mudnaanta koobaad leeyihiin maxaa yeeley iyagu sayidkii waa ay la socdeen , waa ku wii daraawiishta ahaa Kacaankii barakeysnaana waa kuwii la socdey ,markaa rerkaas iyo rerka la dhaho ogaadeen ayaa taariikhda suugaanta soomaalida laga qoray iyaga oo quraa matali kara ,maxaayeeley waligood mucaarad ma aysan noqon . kacaankiina waa ragii difaaca ugu jirey ee ku idlaadey markaa waxa ay muteesteen in lagu xuso buugaaga taariikhda soomaaliyeed siiba suugaanta soomaalidu wax taariikh oo kale ma qoraan se wax la qoraa waa suugaan , hadey Gabay ahaan lahey hadey Maanso ahaan lahey waxa se muc jiso noqotey dadku waa is badalayaa oo kolba wax kale ayaa ku soo biiraaya markii guumeys tuhu ka kacey dalkii soomaalida waxaa waagaas hore ugu sareeyey ama waxa xaga dhaqan ka ahaa waxa ugu horeeya gabayga , se markii soomaalidii dal yeelatey ee aduunkii dhex gashey waxa badalay gayadii HEESO. Heesahaas oo galey xagii uu gabaygu ku jiri jirey waa gii hore, oo Heeso wax leykugu sheego laysku dhiiriyo layskugu faano lagu gartamo,oo layskuna guubaabiyo , hadaan tusaale usoo qaato waagii soomaalidu la dirireysey itoobiyaanka waxaa dhiirigalinta ugu weyn ahaa heeso dacaayada ugu weyna ahaa heeso markaa waxaa halkaa ka muuqaneysa in heesihii badeleen gabaygii , oo noqdeen waxyaabaha laysku wacyi galiyo bulshadana wax loogu sheegaa iney noqdeen hees taas oo aheyn heesihii hawlaha lagu qaban jiree soomaalidu dhaqan u lahaayeen sida tii geela lagu waraabin jirey tii dumarku cowska ku sameyn jireen ilaa tii caruurta ama dhalaan ka lagu barbaarin jirey ama maqasha lagu raaci jirey amaba tii lagu cayaari jirey ee lagu cadalooli jirey ahayn ee ah mid dhaqanka soomaaliga ku cusub oo heestii inta la xikmadeeyey laga dhigey mid sarbeeb ah ama mid jaceyl ah oo inta lagu ladhey LAXAN iyo MUUSIG si luuq heer sare ah looqaadaa taas oo markaas heestii ka dhigtey mid bedasha qiimigii uu gabeygu ku lahaa bulshada soomaalida maxaa yeeley heestii muusigan aan soomaalidu hore u aqoon ayaa lagu ladhey taas oo u suurta galisey in loo hanqal taago heestii loogana dhageysi nuglaadey gabay gii oo uu gabaygii noqdey sidii wax duug ah halkii fariin ama kaftan ama dhiiri galin ,ama baaraarujin ama wacyi galin ama wax isku sheeg gabayga loogu adeegsan jirey in heestii loo adeeg sado intii gabeygu lahaan jirey oodhan waxeyna sababtey in gabeygii soomaalidu ku faani jireen uu mudo kooban kaga baxey goobihii soomaalidu ku kulmi jireen oo uu noqdey wax odayaasha da'da ahi iska dhag dhageystaan mudo aad u koobana gabaygii marka ruux marinaayo loo wada hanqal taagi jirey dhagaha laga fureysto oo marka muusik lamaqlo loowada hanqal taago oo si xiiso iyo xaladi ku jirto loo dhuuxo mirihii heesta muusigu ku ladhan yey . Sidda taariikhda soomaalida ku cad waxa uu ahaa ninkii bedeley gabeyga soomaalida ahaana aabihii horseedka ka ahaa heesaha cusub uu ahaa CILMI BOODHARI maxaa yeeley isbedelka dunida iyo waayaha iyo waxtiyadan la galay nolol ka duwan tii soomaalidu ku dhaqmi jirtey ee aheyd rer guuraaga laga soo jeestey lana bilaabey wakhtiyadaa wax yar kasii horuun in magaalooyin la sameeyo dadkuna noloshii ay ku jireen ee rer guuraanimada ku bedelaan mid magaalo oo leh qaab nololeed ka duwan kii rerbaadiyaha mam rer guuraaga markaa waxa dhacdey isbedelkaa dhacay inuu sababo oo noqdo mid wax weyn ka badala dhaqankii oo wixii ama qaabki loonoolaan jirey lagu badelo qaab cusub oo wata wacyi gelin qaabkale leh wax isku sheeg qaab kale leh maxaa yeeley rerguuraadgu marka wax isku sheegayaan waxey wax iskugu sheegi jireen hadba waxa ku xiran nolol maalmoodkooda iyo bay'ada ay ku nool yihiin ,hadaba magaaladii waxa aynoqotey mid ka duwan tii rer guuraaga oo wax isku sheegii waxa uu noqdey mid ka qaab duwan kii hore iyaga oo hada dadku dadkii uu ah ,hadaba waa nin iyo waayihii da' iyo xiligeed e mudo kooban ayaa gabaygii soomaali ku dheeraa ey bedeshey heestu .ninkii la odhan jirey CILMI BOODHARI ayuu ahaa ninkii cabir nololeedka waayahan cusub ififaalada ka bixiyey , maxaa yeeley is bedelkii noloshu waxa ay keentey isbedel dhaqan kaas oo wax caadiyan soo ahaa oo adoonku istaa wuu isbadalayaa noloshuna ama habnoleleedkuna wuu is badalayaa waa mar duur aadan waxba ka qaban karey timaado ayaa noqoneysa mid aad ku qasbantey isbedelkaa inaad isla badasho . aduunyoy xaalkaa be ayuu abwaan yidhee, markaa is bedel nololeed kaa iyo bi'iyadaa is bedeshey ayaa waxa kaliftey in dadku sidii uu u fikiri jirey aanu u fikirin uu u fikiro halka markaa uu joogo sidey tey inuu la socdo qasabna ku noqotey inuu ka tago wax soo jireen ahaa oo isbedel aad u weyni dhay siiba dhaqan ka soomaalida , sidda aynu wada ogney aduunkii ama jinsiyadihii aduun yadu waa kuwan ku socda iney noqdaan xaafad ama maagaalo la moodo iney iskasoo dhawaadiin intii markii hore isku jireen iyadoo la sameeyey xuduudo iyo wadamo , hadan qaaraduhu indootii ay weligood isku jireen aye isku jiraan hadana waxaad moodaa iney jeef ama beel meel wada yaala yihiin , maxaa yeeley inka afrika jooga iyo ninka aduunka geeska kale ku nool ayaa halkaa kawada hadlaaya oo halkaa iska arkaaya , meel aad sanad waayadii hore ku gaadheen ayaad hada saacad ku gaadheysaa oo waadigan mirtan rooreysa iyo tan duuleysa iyo tan bada dul sabeyneysa raacaaya iydoo taar tilifoon meel dheer ka jooga iyo meel dhow ka jooga si aad u wada maqleyso waxa ka dhaca soomaaliya ayaad adigoo qaarad kale jooga halkaa kala soconeysaa ,waxaan uga socdaa marka aad is barbar dhigto qaab nololeed kii soomaalidaa horee rer guuraaga ahaa iyo kan rer magaalka noqdey iney kala duwanaadeen oo waxii waa gii hore qofku qarsan jirey haka noqoto jaahil nimo ama aqoon yaraan ama dhaqanbee markii danbe qasab ay qofkii ku noqotey inuu waayihiisa iyo waxa la soo gudboonaadey iyo noloshan isbedelku ku kuyimi inuu ka doodo , markaa CILMI BOODHERI waxa uu ahaa ruuxii soomaaliga ahaa ee dhaqankii iyo caadadii soomaalida isbedelka diidan ee ku sii adag dhaqankii hore ee diidey dunidan is bedelku ku yimi iney la jaan qaado waakii dhaleeceynaayey maxaa yeeley aduunka guudkiisu waa is badalayaa oo cilmi ayaa la bartey dadku sidii waa gii hore uu ufikiri jirey ee koobneyd u fikirimaayo dadkale oo kala wada ceyn ah ayaa la bartey in maalaayiin quruumood dunida kuwada nool yihiin ayaa la ogaadey oo waatii soomaalidaba shanta quruumood eekala dhaqanka ee kala afka ah ey kala qaateen markaa waa nin iyo waayihiise waxaa qasab noqotey in ay dadku la qabsadaan isbedelkan la soo gudboonaadey eeay ku qasban yihiin haday iney sii jiraan oon la jidhin rabaan dhagax baan isbedelin baa la odhan jirey kiibaa xitaa kun nooc loo badeley markaa CILMI BOODHARI markii waaxyihii iyo waxii dareenka ahaa ee la soo gudboonaadey markuu ka sheekeeyey inuu waalanyey ayaa looqaatey se waxa uu ku sheegtey gabay iyo hees waxii lasoo gudboonaadey sidaa isbadalka laysku diid siinaayana laysku diidsiin jirey wax yaabo kaloo nolol maalmeedka quseysana waakii lahaa DADKA WAXAA CAYNBA CAYN ILAAH UGA DHIGEY HEYS CAJEBIYEENE, SE SOOMAALIDAA CAADA XUNE IGUMA CEYDEENE , maaha soomaalidu dad caado xun se way madax adag yihiin mana ogola isbedelka inay siduu ugu yimi u darsaan oo wey ka caga jiidaan caqligoodana lama kaashadaan fikir iyo falan qeyn ku wajahan is bedelka dunida , markaa BOODHERI gabay intuu ku dooday ayuu hees aan hore soomaalidu wax ugu cabiri jirin ama wax iskugu sheegi jirin uu wax dadka inuu kaga dhaadhiciyo sameeyey isagoo leh waa wax dhici kara horana u dhacey dhicina doonee heyla yaabinee is adkeynta iyo dhabta dhego ka furaynta joojiyoo garowshiyo wixii u baahan garowsada hana is giijinina e la socda bal ahada eeg soomaalidu iyagoo ku maahmaaha..WAXAAD QARSATAABA WEY KU QARSADAAN, NIMAAN HADLIN HABARI MAY DHALI,NIN AFLEHBAA ABAAR KABAXA ,intuba waxa ay sheegayaan qofku inuu cabiro waxa uu doonaayo oo uu sheegto hadana dadkii u garaabi lahaa ma u garaabayaan oo wey iska dhego marayaan iyagoo waxa ay diidayaan ama iska marmarayaan markiiba dhaqan ku qaadaaya iyo caado oo odhanaaya waxaas caado uma lihin waxaasi dhaqankayaga maaha ,hada waa wax caqliyan macquul ah ayey hadana soomaalidu ka caga jiidaan ama ka madax adkaadaan ama aana qirin . markaa ninakaa Boodhari ayuu ahaa ninkii soomaalida waxay caqligooda la kaanshan karaan ama ka fikiri karaan oo suurta gal ah ay sidiidsiinayaan ayuu CILMI boodheri ku cadeeyey gabaygiina uu isagu ahaa ninkii ugu horeeyey ee hees luuq leh oo si cusub loo qaado uu qaadey kuna cabirey dareen la soo darsay isaga iyo dadbadan oo soomaali ah se aan doonayn inay ku dhiiradaan ama dareenkooda cabiraan caado ka cabsoodey caado ma jirto wax layidhaahdaa maxaa yeeley nolosho iyo waayihu waa is bedelaa si ay noloshuna u socoto waa in aad wakhtiga la jaan qaadaa hadii kale dunidan xawaaraha ku socotaa cidley kaaga tegeysaa sidaa hadaba soomaalida cidlada looga tegey oo ay iyagu is dhigeen iyo caqli iyo caado xumidoodii . markaa aan ku soonoqdo gabaygii ye waxa badeley hees uu hormood u ahaa Cilmi Boodhari iyo rag kaloo ka danbeeye sida CABDI SINIMOO, ismaaciil CAGAF, iyo ragii kalee ka sii danbeeyey, sida HADRAAWI, HURYO, INA SALEEBAAN BIDE, CALI SUGULE,CABDI QAYS, GANAY, iyo rag kaloo badan markaa heestii waxa ay noqotey wakhtigan xaadirka ah dhaqanka soomaalida waxa ugu sareeya oo xagii waagii hore ninka gabya laga tixgelin jirey ee uu bulshada ka mudnaa maamuuska ayaa hada ninka heesaa kaga jiraa heestuna noqotey waxa suugaanta soomaalida jagada ugu sareysa ee wax layskugu sheego laysku guubaabiyo ee laysku wacyi geliyo , MARKAA GUNTII IYO GABAGABADII waxaan uga socdey sheekadaa iyo sharaxaa dheer hadii kacaankii barakeysnaa uu reero siiyey gabaygii soomaali ka dhexda ahaa eewelibaa reerihii ugu badnaa laga maroorsadey ileen aduunku waa isbedelayaaye murtidii iyo afkiiba waakiiye dadkuna waa dadkiiye kuwii gabayga sheeganaayey ileen waakuwan leh murtida kuwii bilaabey baanu nahee heesihii iyo isbedelkii suugaanta ee gabaygii la casiley heestiina la dalacsiiyey ee la jaan qaadey qeybaha kala duwan ee dunida ninamkii daarood xagey ku hadheen! abABWAANBAA YIDHI (HADUU GABEY HIDIYO DHAXAL GALIYO EREYGA LAGU DHAARTO DHAWAAQIISA DHEER WAANIGII DHAADI JIREY WAAYE DHAMAANA MAAYO WIIL NAGA DHASHOO GOOLKA DHALIYAAYE DHAWAAQII GAHAYR IYO SALAAN HALKEY ODAYADII HORE DHIGEEN ANA DHAAFIN MAAYEE AAN SII DHEX GALO WEEDHA ) waxaan uga socdaa ninkii suugaanleh waa nin suugaan leh ninkii awowgii gabyi jireyna qudhiisu kama qatanaadeen ninka aabihii maal qabeen ahaa markuu dhinto isaguunbaa dhexlaayee ninamka taariikhda gacan kacaan kurimiska ah dhig dhigaayow naftiina been ha u sheegine runta ku rafta ileen iniinbaad sidaa aad gabayaa usheeganeyseen ayaad heesayaal u lahaan laheydeene.MISE KACAAN KALOO AAD HEESAHANA IDIIN XARAAN QORAAD LA SUGEYSAAN WALEE SOOMAALI IS BARATEY INTAAD TAARIIKH IYO DAD SOOMAALI AH OO SOO JIREENA OO TAARIIKHDA IYO HIDAHA IYO DHAQANKA QEEYB LAXAALLEH KAGA JIRA OO KARTI IYO SOOMAALINIMO DAD DHEER LA LEEYEY U XAASIDA WALEE MEEL LAM GAADHO , XADIISBAA ODHANAAYA ,, WAXAAD NAFTAADA LA JECESHEY KA WALAALKAANA LA JECLOW . guntii iyo gunaadakii taariikhda lama qoree iyadaa is qorta ogow indho adkaanta iyo marsiina iney tahey cawaanimo iyo jahliayad cawaaqib xun isbedelkii qarnigan baa bilaabmee midkeebuu kacaanka imandoonaa soo boobi ma heesahan hadeer laga sii baxaaxo mise waxa hadeer badeli rabee lasii rakaabinaayo , ilaah ahin soo hadeeyo soomaali waxa ka dhexeeyana yaan lakala sheegan se sidii loo kala howl iyo hadal sanaa ee suugaanta iyo xuriyada iyo cadaalada iyo soomaalinimada waa in laysku qiraa .

qoramadan beentana aan kuyara madadaaloonee la socda waatan soo socotee Qorraxdu cirka kalabarkiis ayay xoogaa dhaaftay, waxaana dhabanaysay layr fudud oo dhanka deexeed markaas ka soo bilaabatay, oo uu qabowgeedu dejiyey kulaylkii gabbalka maalintaas ka soo haadayay, kaas oo ay Maxamed iyo tuldaha uu la joogaba tan iyo barqadii la dhididayeen. Waxay naacawdaasi ruxaysay kob leh geedo waaweyn oo cumur ah, halkaas oo ay daaqayeen neefaf ka badbaadey dhacii ugu dambeeyey oo lagu qaaday geelashii dhawaan la weydaariyey, inta raggii dhaqay badankoodii hilibkoodii haadda loo waray. Dabaysha duhur kolkii ay dhacdo wuxuu geelu qabatimay in uu dhirta waaweyn uu isagoo habeedinaya harsado oo hoosteeda ka daqaqamo, caws ama dhaayin afka la raadiyo. Waxaa, hase ahaatee, intaysan halihii cadceedsi u dareerin orday Maxamed oo u sii jeestey gurigii adeerkiis Aw-Muuse Ismaaciil oo ay da’diisu kolkaas toddobaatan sano ka badan tahay. Wuxuu labaatan jirkaas halaha barqa maalay duhurkii xaafadda ugu rooray waa jacayl uu u qabay in uu maqlo gabay uu ka malaynayay in uu wadaadka adeerkiis ahi ka tiriyo geeridii iyo cayrayntii loo geystey xoolohooda iyo xigtadooda. Geed weyn oo aqalka hortiisa ah ayaa waxaa falag ku hawlanayd bahdii ugu yarayd ooriyaha odayga oo aan madaxa kor u qaadin ilaa uu Maxamed oo matoobbo sitaa soo dul istaagey oo yiri: ”Maxaa lagu harsaday?” Araggiisa ugama ay nixin in aysan jeclayn ee waxay mooddey in uu dhiillo hor leh la dhalandhoolayay oo geelii yaraa oo haray uu col kale ulaha isugu dhuftay. Markii uu argagaxa wajigeeda saaqay dareemay buu inta qoslay wuxuu yiri: ”Odaygii ma joogaa?” Waxayna ayada oo naxdintii ka yaraatay, hase yeeshee weli yaabban tiri: „Hadda ayuu baxay“. Maxamed xoogaa ayuu dul taagnaa duqdii oo falagteedii duubashida ahayd ku maqan, wuxuuna ka calool xumaaday in uusan wax gabay ah meeshaas ka helin. Ugu dambayntiina wuxuu asaga oo qalbi jaban yiri: ”Ma gabyay maanta?” Markaas ayay toos u garatay sababta uu duhurkii u soo wirwiray waxayna ayada oo hawshii ay haysay u kaadisay oo dhoollocaddaynaysa tiri: ”Maandhow, kani damiinowye haddii aad gabyeysid gabay!” Duhurkaas midkii ku xigey ayuu Aw-Muuse tix dheer oo gabay ah wuxuu ka mariyey fagaare ay beeshu isugu yeerteen si ay abaabul ay Darbadaaley udubdhexaad u tahay uga tashadaan, wuxuuna odaygu tixda ugu luuqiyey qaab xallad leh oo aan laga filayn in uu nin da’daas joogaa maansada uga dananiyo. Inkasta oo uu ahaa ninkii ugu horreeyey oo gabay dheer afka Soomaaliga ku tiriyey, haddana waxaa tixda ka muuqata in ay lid ku tahay qaar ka mid ah tiirarka ugu waaweyn dhaqanka Soomaalida. Waxaa maansooyinka iyo maahmaahaha ku badan in aysan dumarka iyo dhallintu garasho fiican lahayn; hase yeeshee wuxuu gabyaagaani ku nuuxnuuxsaday in ay dhallinyaradu hayaan maskaxdii iyo muruqii bulshada lagu horumarin lahaa iyo in hawl kasta ayaga loo daayo, halka ay dadka filoobey nasniin iyo taakulayn u baahan yihiin oo aan waxba laga sugayn, waxaana tusaale buuxa ah meeriskakan: Daalicii markaa baxay nakhliga, boqol ka doorroone. Wuxuu kale oo darbad dhan ku guubaabiyey dumarka oo uu hab qurux badan u dhiirrigeliyey, isla markaas wuxuu kaga dabeecad duwan yahay maansooleydii hore in madaxda la canaanto oo aan hadalka lagala gabban.

Darbane Maxamedow gabay aduu, kuu daliil yahaye
Aduu kula degoo kula dersoo, daacad kuu yahaye
Durdurkiisii adigaa ahiyo, daristii [1] weyneyde.
Ducaqabe adaan waxaan lahaa, xaal walba u daaye
Da’daadaan lahaa waxay furfurin, daharradii [2] baase
Duq baad tahaye joog baan lahaa, waa la soo didine.
Duullaanka hore waxaan lahaa, wiilasha u daaye
Haddii laga danbaxay xaajadaan, idinla doonaayay
Dirqi buu igu qabsaday hadalka inaan, anigu dooxaaye
Wuxuu mudanahay iga dalbado, diiday ma awoode
Kol haddaan dariiqiisa furo, wayga soo degine,
Waxeer labada daar [3] ii fadhiya, aan idin deeqsiiyo:
Madfacaan diyaarsaday miyuu, derejku ii fuulay
Dabkiyo liifaddiisii miyaan, mar is dareensiiyey
Danbaaburo rash iyo qiiq miyaa, uunkii wada daadhay;
Awal maanso waataanan dumin, toban diraacoode
Dibnahayga waataan ka jaray, tan iyo Dayrwaaye
Dannigayga waataan is iri, Aakhiraa darane.
Dariiqayga waataan ka dhigay, diinta Nebi raace,
Doqontiyo haweenkaa is yiri, kani damiinnowye.
Dig dhehoo dannaagooyin dhoo, dininig roobaad dheh!
Durdurkii Garoowiyo cirkiyo, danabyadiisii dheh!
Dawladaha is waafaqay habeen, dacawigoodii dheh!
Dirirtii Miskoo iyo rash iyo, dab iyo baaruud dheh!
Dayaxiyo shamsada soo baxdiyo, waaga daalacay dheh!
Murtidaan dambaysiin jiriyo, doogsin galabeed dheh!
Xarafyada ma kala dooriyee, Do’ iyo Daalkeed dheh!
Dadow xalay hurdana maan damcinoo, doob isugu waayay
Degtii aan barkiga saaray baa, madaxii loo diidey
Daas gogol la ii dhigay miyaa, igu dabayloobey!
Dacas [4] iyo rafaad bay heliyo, diilalyo [5] i saaqday
Waan wada deddadey [6] sida laxmiga, la iga diifaayey
Dubaaqayga oo idil miyuu, dab iga qiiqaabay.
Dayax dhacay intuu waa ka galay, waysla diriraayey
Sidii aar damqaday oo cartaan, doobbaha u giijey
Dibnihii aan ilkaha ku qabsaday baan, daa’im ku abaabshey
Galow sidii markii wax aan damcaba, wayska dananaayay!
Degganaansho iyo nabad miyaa, xarigga loo duushey
Ma waxaan diidayaa uumiyuhu, dib uga rayn waayay,
Dacartaan hortii xiray miyaa, la iga soo daayay?
Ciil iyo hammi aan dugin [7] miyaa, la igu daardaaray
In aan diir qadhaadhnahay miyaa, uunka laga daahay
Dagaalka inaynnu qoob dhigin miyaan, dad ina moodaynnin?
Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay [8] ,
Darbabna waxaan u naqay reer tolkayoo, doorkii ka idlaaday,
Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya,
Darbad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga,
Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugo;
Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay
Tan iyo Qaw [9] adaa daadsan iyo, ceelkii Dabarowe [10]
Ogaadeen cabsi buu uga dan baqay, dooggii Himirowe
Dangudban iyo Dhudhubo-Hawd hartigu, kaaga soo durugye
Dacal kale Kax iyo buu degaa, dooxadii Dhudube [11] .
Dadka yaroo cadad ah damac lahayn, lagugu sii daaye [12]
Kolse haddaydin dirirtaan khalqigu, amarka waa dayne
Nuur Maxamed geeluu dalbaday, tuludna loo diidye
Ergo daran kacaysoo dulli ah, dooxadii timide,
Laye wuxuu la soo duday bahdiis, inay daweysaaye
Darbane Nuur Cismaan keli ahaan, dooc ku tari waaye
Ogaalkaan dareen qabo mindhaa, uma dadaashaane.
Dayacanow delleganow [13] sidii, doog Alle cid siiyey
Diigdiigsadow [14] sida biciid, cid uma daardaare
Shisheeyuhu wuxuu damacsan yahay, waana kama diide
Duqowdiyo ikhyaartii la diley, kama digriiryaade [15]
Duunyada haddii lagala tago, dib uma raacdeeye.
Iyagaa isku duullane cid kale, deyiba maayaane
Haddaa duulba duulkaan u guran, dab iyo baaruude
Koo kale dantiye keenna dega, deexda bariyaysa
Dayn iyo dukaan baad gashiyo, damac magaalaade
Dadaalkaagu wuxuu saaran yahay, diiro saraciiye
Darxumaad u wada liidataan, duunyaseegyahowe [16]
Candho-diiranley duul nin [17] lihi, cid uma daayeene
Dudiyo Xiito [18] nimaan loo lisayn, duni ku leeleelye.
Diihaalku geel inuu ku ba’o, idinka diimoonee
Duhurkii haruubkii ahaa, kibis ka doorroone,
Kolse haddaad dariiq wada madhaan, waysu soo dumine,
Inshaa Allaahu duulkaad gashaan, waa dulliyayaane.
Waxsaan lagu dambaabayn dad Bari, haatan boqor diidye
Iskaga daalid mooyee guddoon, haatan damashowye
Waxsaad kaga daliil qaadataan, beeni duug ma lehe
Haddii dooyadaad [19] shalay dhigteen, Udan ku daaduumay
Kolkuu soo dunmoo soo durkoo, dirir la dhawraayay,
Inuu soo dabbaaldego hadday, dani geyaysiisey.
Ammaantii beryahaa nalaga diray, dahab hadduu keenay
In aan boqorka laga dayn haddii, dhaartii lagu duugey
Markaad socodkii diideen haddii, duco laguu oofshey
Darmaanihii [20] dilkii Hagar haddii, duudsi laga yeelay
Doolliyo hadduu Irir warkii, haatan wada doojey
Iiddoorka Dix jira hadduu, diririgtii sheegey.
Dalal iyo Ugaas iyo Wacays, duulka bah Xawaadle
Duud Magan Warfaa reerahaan, damac walaalowney
Libintuu ku diirsaday ninkii, wax ila doonaayey
Nin mowdkiisa laga daahayoo, dilayo mooyaane,
Dib baan wacad Allee geelayaga, cidi u daardaarin.
Darbadna waxaan u naqay reer tolkayoo, doorkii ka idlaaday
Dabdacallaad [21] ahayd waaxidaan, dabo u noolayne
Dilkaagii la doon laguna farax, sida dad gaalaade
Debinkaas lugaha kuugu jira, lagugu sii daaye
Naftaada u dadaal wacad Allaan, duulna kuu rabine.
Adamihii [22] maroodiga damcoo, waayo daba joogey
Hadduu dagantidii rabay hadduu, boqonta doonaayey
Uu diday daleeshana u baxay, damacna dhiilloobey
Intaan dhowrihii [23] dirirba holin, duruga mooyaane
Durba qalanjaa [24] soo dadbee, da’a dambaan waayay.
Duflihii libaax dhalay hadduu, duqu mar weynaado
Digta iyo dagaalkiyo hingada, duulistiyo xoogga
Dariiq baa Ilaah wada marshaa, doqon ma yeeshaane.
Daalicii [25] markaa baxay nakhligu [26] , boqol ka doorroone
Qabiilana duryaadka u kacay, door ku noqotaaye
Ayaxuba hadduu meel ku dego, doogga ka idleeye
Dawacaduba ari bay gashaa, labo ka dooxdaaye
Waraabuhuu ma daahiro waqiis, duhurka maalmeede
Wuxuu duud habeenimo u gelin, daganti un dhawre.
Naagiba nin ay dahatey [27] baa, lagu dangiigaaye
Rabbi amarki waa duqe maxaa, doorshey faraceenna
Kun nin oo aan dab hurin karin maxaa, duul ka wada beeray
Maxaa dog [28] iyo beer idinka dhigay, dux iyo jiir waayey
Hohe nimaan ku diirsado maxaa, duge idiin diidey!
Nin guubaabadiinna isku deyey, wow dan li’i uune
Wax wacdigu dubaaqa u galaa, duulka khayrka lehe
Damiin dhega la’ lama waaniyee, waa isaga daale.
Nindoor iyo dilaa iyo tolkay, deeqsi ka idlaaye
Raggii ficilku daardaari jirey, duug la wada geeye
Damiir waxaan lahayn baa ku haray, dohatan [29] xeebeede.
Ilma Yuusuf qaar wax u dilaa, kama danbeeyaane
Dacar boowayaashiis shalay, sarac ka doorteene
Kuwii Faarax diley eebbahay, deeq isaga siiye
Alla reer Xirsoo wada dug yiri, damashi weeyaane.
Danab kulule goortuu is dhayo, dab iska nooleeye
Darxuma weyne weligiis hurdada, daa’in kama toose
Ninkii ina adeerkiis dulmiya, dib u xanaayeeye
Diradiriyo muran iyo xisdi baa, dilay naftaadiiye
Sidii dumar nin wada qabo xan baan, la iska daynayne
Dakanaduu dadkeedii kan yahay, duug wallee ma lehe.
Dad haddaad tihiin toban sanaad, laguna daaqeene
Dabqaxa Dhirindhireed madaxyadaan, abidan duugoobin
Doob-Cadale iyo tii kaloo, laga danbaysiiyey
Alla dakhalka jabay baan, waqiis laga dawoobayne
Dakanadiinna maqan oo rag qabo, deyiba maysaane
Haddaan diin la dhigan oo ninnimo, daabka la adkaysan
Dulli baa lagu socdaa wacad Allee, labada daaroode.
Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya
Korkiinnoo dallaayada raggii, daahirka u shuufey
Laabtiinna ninmankii ku daxay, shayga dananaaya
Gacmihiinna nimankii u dumay, lacagta duuduuban
Daclihiinna nimankii ka lulay, dahabka laalaada
Durrihimida khayliga [30] raggii, duuddiin [31] idin saaray.
Nimankii degdeg u keeni jirey, xidid wuxuu doono
Durdur sidi raggii caano geel, idin dabaalsiiyey
Dacaamkiinna nimankii ka dhigay malab la soo diiqay
Diggooniyo ikhyaartii kaloo, deyrka idin keentay
Intaan duugta lagu aasin baa, daahyo rogateene.
Dad wada cajab oo waxaa la yiri, naago door ma lehe
Shalay waxay ka dalangaynayeen, danaf cayaareede
Durbaan bay layeen tumanayeen, damac la’aaneede
Inaan dumar kalgacalkiis wax gelin, diirka ka caddayde.
Orda doomahaas raaca oo, Doy [32] isaga dhoofa
Ama kaca Hartigu waa duddee dawlad kale aada
Ama kaca raggaa Saaxil [33] dega, suuqadda [34] u danansha
Balse inaad na diir dhawrataan, waaba doqonniimo.
Darbad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga
Duhur iyo habeen iyo dharaar, oohinta aan duugin
Daaraha cidla ah iyo guryaha, igu dabayloobey
Dalanbaabigaygiyo lugaha, diifka socodkayga.
Derbiyada magaalada agoon, diiqsan baa tubane
Alla dumar hangaalan [35] baa ku badan, dawyadaan marine,
Wallee ama dan li’i nooga baxe, labada duubduubni
Ama dumar rag kale qabo annana, weer [36] ku daa’imminey.
Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugay;
Eebbow dambaabaye maqfiro, adigu hay diidin,
Eebbow cisyaankaan daldalay, derejo ii dhaafi,
Eebbow waxaan hor u dulmiyey, ha igu daymaynnin,
Dabka belelka naaraha Allow, derekadaa hoose
Ebbow Ibliis ha igu darin, duulka lagu biirsho,
Eebbow kuwii lagu derbiyey, hayga dacal yeelin,
Ebbow dakano naguma gelin, nimankii deexeede,
Eebbow nin weliyoo la diley, waad ka dirirtaaye,
Eebbow ma duudsidid xaqa oo, Daayin baad tahaye,
Eebbow rucbiga nagu dul furan, duul kale u meeri!

8 comments:

  1. suldaan nuur ducaale dhaga cun waa abwaanka dhextaalk gabayga soomalida iska leh

    ReplyDelete
  2. suldaan nuur ducaale dhaga cun waa abwaanka dhextaalk gabayga soomalida iska leh

    ReplyDelete
  3. Waa murti cuddoon, Allaha u naxariisto Aw Muuse Ismaaciil, gabyaa gaasa baxay ayuu ahaa.

    ReplyDelete
  4. Minkastoo hadlaba waa reebay aw muuse

    ReplyDelete
  5. Dadaw hadalka niman baa ka rida melaan loo dayeyn’e


    sadarkaas ayaa ka maqan gabayga wll

    ReplyDelete