Monday, December 28, 2009

khaliif sheekh maxamuud jawaabtii darbadaaley

Maansadan aad ayay intatan uga badan tahay. Sidii hadba tuducyo u lumayeen ayaa intaasi ka soo hartay, waana arrin aan la yaab lahayn. Waayo qoraal iyo cajalad midna gabaygakani ma gelinnin muddo qarni iyo badh ah oo afka ayaa laysugu tebin jirey. Waxay Soomaalidu weligood isu sheegi jireen in markii uu Aw-Muuse Ismaaciil tixdaan mariyey uu raaciyey in aan Darbadaaley nin qarnigaas nooli ka jawaabi karin; haddiise uu nin qarni dambe iman doonaayi ka jawaabo in uu horay ka geeriyoon doono, waayo waa gabay sun halis ahi ku qarsoon tahay oo ay in laga gabbadaa habboon tahay. Doogkiciye 1979kii ayaa waxaa maalin harkii jiq Walwaal u dhow ka soo baxay gaari gaashaaman oo uu rinjiga marsanaa u ekaa dharka ay xirtaan ciidamada difaacu oo tuutaha lagu magacaabo. Cirka waxaa ku hilnaa daruuro gibillo waaweyn ah oo xagga koofureed haddaayay ka soo gurmay, laakiin markaas la moodey in aysan soconayn oo ayaga oo heego ah isku gudbey afarta goonyood idilkood. Dhulka waxaa ka muuqatey abaar ku raagtey oo toontii uu gaarigu ka soo baxay geedeheeda iyo meeshii dhirta gaagaaban lahayd oo uu asaga oo weli guuxaya taaganaaba waxaa saarnaa tilmaamo jiilaal. Caleen kutaal ah mooyee mid doog waayadaas aagga laguma arag, waxaana abaarta ka darnaa colaaddii kharaarayd oo ay xudduudda dheer oo Itoobiya iyo Soomaaliya noqotay goobo dhiillo oo ay meydka iyo fuuqyadu dhagxantii ka bateen, dad iyo duunyana laga kala qaxay oo ay habeen iyo maalin isku hardinayeen guutooyin uu galowgu ooyey. Haddana wuxuu baaruurkii u sii dhaqaaqay dhanka koofureed oo geedo waaweyn oo teelteel ahi ka muuqdeen, waxaana ka soo daba baxay dhawr gaarii oo kale. Xoogaa yar ka dib wuxuu soo dhex maray ciidan qoryo yaryar ku hubaysnaa oo ay badankoodu kadalloobeen. Hareeraha oo dhanna waxaa ka soo funaanay ciidan, waxaana jihadii uu gaariga gaashaamani ka yimid isi soo daba joogey baabuurro kala jaad ah. Geed weyn hoostiis buu gaarigii istaagey waxaana ka soo degey saddex nin oo ay mid ka mid ah sii gaar ah ciidanku u eegayeen. Wuxuu ahaa wiil dheer oo aad caato u ah, oo indho godgodan leh, kaas oo filkiisu soddonka galay. Timihiisii adkaa way ku baxeen garkana intuu maalmo ka hor xiiray ayuu xoogaa foodda keenay oo curtiisii dheerayd baa toos loogu jeedey. Wuxuu dhexda hayey oo laalaadsanayey qori faalgurey ah kabo madmadow iyo tuutana wuu qabey. Waxaa meel dhow ka hoortay hogol, ciidankiina waxay degdeg u taagteen teendhooyinkoodii. Isla markiiba waxaa isu ekaaday cirkii iyo dhulkii oo kabihii ciidanku waxay quusayeen daad xaafood dul sabbaynayey. Dhibcihii darbaallada darandoorriga ugu dhacayey iyo ufadii dhirta iyo dhismayaasha liiliijinaysey waxaa lala maqli waayey onkodkii badnaa oo ay ragga qaarkood dhegaha faraha geliyeen, waxaana xareeddii dhulka dulundulcaynaysey if qurxoon ku bixinayey biriqdii aan hakasha lahayn oo indhaha lagala gabbanayey. Sagaal iyo labaatan jirkii timuhu ku baxeen bulaankii ciidanka kama uu qayb gelin ee aamus buu teendhadii ku jirsanayey, wuxuuna mar danbe kor daadkii uga qaaday faalgurayga kursigiisii si aysan birta biyuhu u gaarin. Kolkaas ayaa nin garabkiisa fadhiyey intuu jalleecay wuxuu ku yiri: - Khaliif maxaad la fekereysaa? Baxaalli ahaan Khaliif Shiikh-Maxamuud wuxuu ahaa nin aamus badan oo go’aan adag. Wuxuu ka fakaday ciidamadii booliska Soomaaliya oo uu asaga oo yar ku biiray, wuxuuna dhuumasho ku galay dalka Yemen oo uu ka dib ka sii aadey waddanka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka helay shaqo fiican. Asaga oo galab casarkii shaqo ka soo rawaxay buu wuxuu soo maray niman soomaali ah oo ku maadaysanayey saraakiil maalintaas Soomaaliya lagu toogtey oo afgenbi ay dawladdii ku samayn lahaayeen lagu qabqabtay, wuxuuna galabtaas goostay in uu u kicitimo dalka Itoobiya si uu ugu biiro mucaarad waayadaas la abuuray. Galabtaas habeenkeedii wuxuu cajalad ku duubay gabay isla markiiba gaarey dhulal badan oo markii hore ay xukuumaddii Soomaaliya in uu tiriyey u maleeyeen nin la oran jirey Cali-Afyare Aw-Cilmi, kaas oo markii uu labo toddobaad xirnaa la siidaayey, maxaa yeelay idaacaddii mucaaradka ayaa markiiba oodda ka soo qaadday gabayo kale oo codkii Khaliif ah; waxaana markii Cali xabsigii laga soo daayey lagu khasbay in uu ka jawaabo gabaygii Hurgumo oo ahaa tixdii ugu horraysey oo Khaliif. Maalintaas roobabawda ahayd, markii jirkii qaaday oo daadkii qaarna guray qaarna gudbey waxay ciidan sayax farfadhiyaa habsami u dhegaysteen luuqdii Khaliif Shiikh Maxamuud oo uu ku mariyey Doogkiciye oo uu kaga jawaabayey Darbadaaley. Markii uu sheegay in uu gabaygii sunta ahaa faragelin ku samaynayo ayaa raggii qaar u digeen, wuxuuna ku jawaabey:

[Wax ka bedel] Geeri iyo nololba Eebbe ayaa ii haya
Aw-Muuse Deelleyda gabay, adi laguu daaye
Adigaa dabuubtiyo [37] tixaha, soo dabaal baraye,
Deelqaaf la’aan waadigii, daaddahayn jiraye.
Doorroone mawdkii hadduu, dunida kaa dheelmay
Malag Eebbe soo diray hadduu, maradii kaa diiray
Gegi ay dillaacsheen haddii, lagugu hoos duugey.
Rabbi kuu dallaayadi qabriga, labada daamoode
Oo derejo dheer iyo ku saar, dadab sariireede,
Ku dangiigso meel roon adaan, diinta caasiyine!
Denbidhaaf lagaa yeel wadaad, daahiraad tahaye
Durdurkii firdowsiyo ku waar, daar naciimo ahe,
Duddadii Rasuulkiyo la shawr, duul malaa’ig ahe.
Dulinkii cadaabeed Ilaah, kaaga derejeeye,
Jahannamo ka durug waadigii, daacadda ahaaye,
Dahrigaaga naartii Allow, aanay ku doobbayne!
Dulmi nimaan aqoon Aakhiraa, dabaq la seexshaaye
Nin dallacay ahaw oo waxaad, doontaba ha waayin,
Dunji xuuralcayn ihi Jannada, kuu dabbaaldega’e!
Afartaas midaan kuu dalboo, kuu durraansaday dheh!
Kalgacayl dun weyn oo qalbiga, igu dahaarraa dheh!
Ducadayda aammiin in uu, Daayin kuu qoro’e!
Hayeeshee dantaan uga socdaan, kuugu daadegine;
Sidii ruux intuu daqar ku yaal, daqantay laandeyre,
Darbadaaley goortaan maqlaan, wada dubaaxshaaye!
Waan wada deddoodaa sidaan, duumo baas qabo’e
Dubka un baan dhaqaajaa sidaan, diilalyaysnahaye
Markaad dakhalka jabay sheegto baan, dan u ilmeeyaaye.
Sidii neef dibboodoo kalaan, dulugle rooraaye
Duhur iyo allayl oohin baan, dhabanka duugaaye
Duufaan xagaa baan anoo, dagan ka yuusaaye.
Derrinkaan fariistaba dhulkaan, tahan [38] dalooshaaye
Daardaarka ereygaagu waa, iiga darayaaye
Dardhashaan ka qaadaa sidii, ubadka dayreede.
Raggayagii la wada duudsiyaan, dib u xasuustaaye
Dhiiggooda diixanahayaan, caro diryaamaaye,
Dacalllada intaan fiiriyaan, diricna waayaaye.
Awgay dan li’i bay ahayd, diriradaadiiye
Diigdiigashay kaa ahayd, weerar dumiddiiye
Nin xarrago dalbaayaad ahayd, laguma daafayne.
Hadba laba da’ood tii dambaa, belo dufaysaaye
Darxumada na haysaa ka daran, sebenki Daacuune
Dacay baannu wada qaayibniyo, oho ma-diidaane!
Nabsigaa dawaaraynayaa, noo dulmeersadaye,
La dullowyey waagaas haddaad, dad u sarrayseene,
Halka dabadu geelu uga taal, noqoy dirkaagiiye.
Waxaad adigu diidaysay baan, samo ka doonnaaye
Dastuurkii aad ku noolayd haddii, nalagu deynaayo
Deeq baannu wada siin lahayn, duudki Hoysama’e.
Nin durriyad xun weligiisba waa, laga daduucdaaye
Sidii ceel dardhaabeen ah baa, laga durduurtaaye
Allaylehe la dowdabi tolkeen, laguna daanshooye.
Dabqaxa Dhirindhireed dooyadii, dalaggu kuu keenay
Doob-Cadale iyo kii kaloo, laga dambaysiiyey
Warsangeli hashuu kaa didsaday, tani ka diif weyne!
Waakaas duggaagii ka fuley, daribti reeraaye
Wax tukuhu daloobinahayaa, doobabkii kacaye
Durqe iyo dorgay hilibkayaga, loo dayaafadiye.
Saaddii dabuurihi dibbay, kula dillaantaaye
Dibnahaaga hadalkii aad ka tiri, doog [39] xun nagu reebye
Wuxuu noo dednaadaba hadduu, soo daleel baxaye.
Wuxuu galow ka sii dananayaa, dirirka cawleede
Weligana wax loo daalacshaa, walaxyo diimoone
Malahayga daafkaad ogayd, haatan soo degaye.
Riyuhuba shabeel dalax hurday, lugo ku doontaane
Marti fiid u dumey buu mar un, yabaq u deexdaaye
Jinnigii dayoobaba nin baa, loo dalqamiyaaye.
Ilaahay diiwaankiisu waa, kaa da’ weyn yahaye
Inkastoo dubbuhu noo dhignaa, nalagu daaduunshey
Adeer dayradaadii horoo, daahday baa timide.
Majeerteen daciifow sidii, doonni caaridaye
Inkastuu dadaal kaa ahaa, doqon ku sheeggaagu
Dannigaad awaaleysey baa, loogu dawgalaye.
Run baa lagu dawoobaa illeyn, beeni duug ma lehe;
Dacas inuu na fuuliyo inaan, debecney mooyaane,
Waakaas doofaarkii Gedood, daalash noo helaye!
Waakaas sidii tuug dibjir ah, duurka noo galaye
Waakaas sidii dabatadii, deero noo qalaye
Waataas duryaad hooyadood, kala dalaabeene.
Waataas islaan duub xidhiyo, boqorro dawrweene
Waataas duqow iyo ugaas, loo dawarayaaye
Waataas nin ay diran jireen, diiraddow sida’e.
Waataas dabkii nalagu shiday, degelku qiiqaaye
Waataas guryihii deyranaa, wada damaagmeene
Waakaas nin dahab beecin jirey, darayga xaabaaye.
Dhallinyaradii waataas dillaan, doolba meel degaye
Goortii wixii duxi lahaa, daayac lagu laystay,
Waataas la deydeyahayaa, daaddufkii haraye.
Waataas dekanaday qabeen, Sede ku daaqaaye
Waataas aan lagu doonanayn, col iyo duullaane
Waataas siday noo dibreen, duudka loo dhacaye.
Waataas dariiqyada hablaha, lagu dubaaqayne
Waataas ilmada dililiq lihi, dulundulcaysaaye
Waataas aan loo diir naxayn, tima-daliigleeye.
Uurdigiso dalanbaabiday, dalan kacaayaane
Haddeerey intay wada dahdeen, silic la duukhaane
Dafir iyo waxaa loogu daray, jeel ku daa’imise.
Dingaraaro booraa ku taal, duudda Maxamuude
Meydkooda daadxoor la mood, dooxu soo rogaye
Duufkay cuneen wiilashii, damaca waallaaye;
Ciisihii darrowshaha nebcaa, daabbad laga yeelye
Kuwuu ficilku daardaari jirey, harag ma doorshaane,
Alla kama diqoodaan gabdhaha, daacayoo sida’e!
Dagaal uma habaystaan intay, danan afuufaane
Hubka kiisa darandoorriga ah, kama dinnaahshaane
Nafta uma diyaarshaan mid uun, labada daaroode.
Abshir [40] deyrkii lagu meeriyaan, cidi ka siiddayne
Damashkiyo rafaadkuu qabuu, dacayda ruugaaye
Dugsi waxaan lahayn bay noqdeen, doobi dhamayaale.
Dabar laguma xoodeen hadduu, duubi leeyahaye
Hoggaan laguma doodeen sidii, dooha awrka ahe
Hohey lama durbaansheen, intay labaddibleeyaane!
Nin dumaashidiin ciilay oo, Diiniyaa jira’e
Hindiya gabadhii laga doonay baan, qaranku daabnayne
Waxaan loogu soo daqaqamayn, waa damiir xumo’e.
Haween aan dalaaqnayn haddana, dulay cidlaa taagan
Oo aan duryaad kuu dhalayn, lana daryeelaynnin
Oo aqalka darintii u tiil, lagu dabayleeyey.
Allaaba waa dareen iyo in ay, dib uga yaabaane,
Haddii loo damaaciyo sidaa, Maxamed [41] daaskiisa
Dar ilaahay qoon kale waxaas, uma dulqaateene.
Inkasteey darmaan quruxsaneey, dihintohoo joogto
Oo ay dubaabkii Siyaad, dalaw ka tuuryaysay,
Iyadays difaacdaye ninnimo, kuma dumaashaane.
Danbar bay noqdeen shalay hadday, dacar ahaayeene
Haddii ay Daawad [42] gubanayso, oo Celi dawaafaayo
Dabcigiyo aqoontoodu waa, giiro-dabataage [43] .
Reer Cismaan digtii gaadhay bay, wada diryaameene
Sidii loo derderey bay dhammaan, doc ula jiifaane
Waxaa loo dudumiyaa sidii, dooro idifleeye.
Dulalkii Qardhood iyo Kobnaa, lagu dullaalaaye
Bah Dirtii dalaaniga ahayd, Dalalku weydeede,
Garabsare wadaan kama daraan, lawliskii Kuba’e.
Deris iyo xigaal kama dhigteen, Xaashi Dalabeeye [44]
Marreexaanka Doolow ammaan, kama dareersheene
Rabbaw deyey damaashaad inay, ugu danaystaane.
Adoogii nimuu duunyo dhaqay, dibse u cayroobey
Kaftan laysku daadsaday hadduu, doodda kaga faano,
Anigaa dameerlaa ka roon, taajir doorsamaye.
Waxse aad kaga daliil qaadataan, dulucda maahmaahda
Dayaxaan madoobaaday iyo, dogobka nuuraaya,
Dabcigiyo aqoontoodu waa, dawlad baan nahaye.
Cumar soo digiigixi hadday, degin xirnaayeene
Inkastoo la deeddamahayoo, diiqalyo is dhaaftay
Dululaatiyaal baa warmuhu, uga dusaayaane.
Libaaxuba hadduu miid darsado, daacuftiyo foolka
Kolkuu shaarubbada daylo, buu lulo dakaamaaye
Haddaan Eebbahay dabanbasayn, dago ma reebeene.
Iyaguna barqay duban karaan, ururka Duujaale
Taliskaa dukhuunka ahna waa, dumin lahaayeene,
Wuxuu dakhalku uga fooraraa, waa damiinnimo’e;
Shayddaan dakhawlamahayaa, soo dakhaakhula’e
Intuu debin u qooluu haddana, uga dul boodaaye
Iyagoon dareen qabinna waa, dalaq yiraahdaane;
Diradire qabiil waa wixii, diifta noo waraye
Dawgooduu suu yahay haddaan, daayin solansiinnin
Xanta loo degdegayiyo haddaan, beenta laga doorsan;
Sokeeye isu daran daallin wuu, ugu duggaalaaye
Haddaan taladu way daabataye, odayo daaweynnin
Mindhaa ceebta idin daakhishaan, darab idiin mayrin;
Badownimada kugu doogataa, way ku dalaftaaye
Dooc uma hayaan sida warmuhu, ugu darrooraane,
Dabcigiyo aqoontoodu waa, Doollo Cigallayne.
Docda Cali Saleemaan haddaan, yarehe daymoodo
Inkastoon u digey oo gunnimo, kala digtoonaaday,
Dubaaqooda uun baw u bartoo, lagala soo daalye.
Ratigii dawaadlaba hadduu, dumarku heeryeeyo
Inkasta oo rar dooriyo culays, lagu dandaansiiyo
Hayin kaama kala daadiyee, qaalin baa dida’e.
Ninna hadduu darbaysnaan jiroo, ducuf ku weynaado
Inkastaad xornimo darartay iyo, daalash ugu yeedho,
Dagaag kama hagaagiyo inuu, dib u gurguurtaaye.
Cusri baa daboolaye haddii, Saxal dul gawriiro
Dhaaxaan durqumiyaye haddii, “diira!” laga waayay,
Maxaan ficil ku doocdoociyaa, beer ma soo duxa’e!
Daxal bay intay la uskageen, deri la yeesheene
“Deexey dadkaygii i sii!”, duul horaa yiriye,
Dabcigiyo aqoontoodu waa, cananno [45] soo diiqe.
Ibraahiinno daahay rogteen, dan iyo xeeshoode
Inkastay dinnaahyaynayaan, sooma daalicine
Hadba daraf u guurguurku waa, xaal dahsoon weliye.
Dacda Teendhabelo maalintii, lagu duqaynaayay
Hadday hiil u soo dugukumeen, loose diri waayay,
Duudyaabe gaarkood sidii, doon abaajidaye.
Darbaddaas in ay ku hakadeen, hagari waa deyne
Iyo in ay docdooda u hareen, durayga ma aqaane,
Labadaas midday ugu dudeen, looma duurxuline.
Diraac kulul walaalkaa hadduu, Dalawo maalaayo
Adoo diiqsan xoolaha hadduu, kaa dallali waayo,
Asaad doorka kale dhaanto waa, laga ducaystaaye.
Ninkii ina adeerkaa dilaa, daafad kuuma lehe
Waxba kama duwanid maalintuu, kuu dallaashado’e,
Hanna dayrinnina waa adduun, dabamarkiisiiye!
Maxamuudba diririhii iloow, soona dugukuubye
Matukade [46] dartiis uma galeen, dab iyo baaruude,
Dirrankoodii hore baan u baran, deeq rakuubsiga’e.
Wakhtigaa ku diray in ay bahdood, dar isku raacaane
Iskuduubna waw wada qabteen, dawdi Dhulugdheere,
Biciidyahanka naga sii durkow, roobku waa di’ine!
Reer Ugaarka dooxada Rakood, wada dekaynaaya
Dashiishliyo Siwaaqroon haddaan, moodey niman door ah.
Nin duddumo ammaantaan ahaa, damal la’aaneede.
Dadow Cali Jibraahiil haddaad, damac ka dhawreysey
Waakaa duskii Meeladeen, lagu dabaaxaaye,
Abtiyaalladay oo dug yiri, daaway aadmiguye!
Cabdalle iyo Daanweyne iyo, doosha Gumasoor ah
Durba Hamartiwaaq waa kuwaa, soo dulbaaxsadaye
Danabbada Ammaanlaa mar dhaw, soo danbaaburine.
Derdertii Wabeeneeye iyo, Idigfaclaa doojey
Daraawiish Cabdirixiin ah baan, duurka ku ogaaye
Tabaliyo dawaantiis mar bay, daafta soo marine.
Inkastoon diqoonnoo sidii, digo naloo xaaqay
Wallee daguug nalaga yeel, dirindir leelleel ah,
Ama diillintaan maagannahay, dunidu ciiryaantay.
Intaas oo dunuub baan qabnaa, duug iyo cusaybe
Agoon daa’imo ah baa ku badan, dooshashkii Xamare,
Waxa ooryo diriglaa qalbigu, ii dawanayaaye.
Dacluustii ku haysiyo waxaad, dininig noo sheegtay,
Shiikhow haddaan wax isu deyey, taayadaa darane,
Noo soo ducee waxaad ahayd, sharaf ku doondoone!

[Wax ka bedel] ERAY BIXINTA
[1] Daris =ris, caws adag oo gaagaaban oo dulka bannaan daboola. [2] Dahar = daar, sar [3] Daar =feero, saab [4] Dacas =dhib, dandarro [5] Diilalyo = qarqaryo, gabayoox, dhaxan [6] Deddo = qabow badan [7] Dugid = ebyoomid, dhammaansho [8] Diiraabid = diirin, kululayn [9] Qaw = tuulo bariga fog ee Soomaaliya ku taal [10] Dabarow = ceel caan ah oo Mudug ku yaal, wuxuu u dhexeeyaa xeebta Iidaan iyo Xingod [11] Dhudub = magaalo Gallaadi iyo Goldogob u dhexaysa, waxay ku taal Kiilka 5aad [12] Dalleensi = sahlasho [13] Dellegan = meel la’, wax u dhimman yihiin. Wuxuu tilmaamayaa boqorka. [14] Diigdiigsi = qaab ay xayawaanka geesaha dheerdheer lihi u socdaan. [15] Digriiryaan = dhaqdhaqaaq lala soo boodo [16] Duunyoseeg = qof aan musqtaqbal lahayn [17] Nin = madax [18] Dubbo iyo Xiito = macagyo geela loo bixiyo [19] Dooyo = col isku duuban [20] Darmaan = fardaha dhallinta yar [21] Dabdacalle = qori dhanka hoose dab ku leh korna caadi ka ah oo kolkii la qaado lagu gubto [22] Adan = raxan libaaxyo ah [23] Dhowre = maroodi weyn oo lab ah [24] Qalanjo = Maroodiga yaryar ama kuwa dhaddig [25] Daalac = caw cusub oo markaas baxday [26] Nakhli = caw duug ah [27] Dahasho = dhalid [28] Dog =bog [29] Doh = dhulka dixda ah oo biyuhu maraan [30] Khayli = maro midabbo badan leh oo la huwan jirey [31] Duuddi = dhammaan [32] Doy = Kismaanyo [33] Saaxil = Berbera [34] Suuqad = siyaakhad, alaabada dumarku isku qurxiyaan sida dahabka [35] Hangal = asay [36] Weer = hangal, asay [37] Dabuub = hadal, dood [38] Tahan = in badan, in door ah [39] Doog = nabar biskoodey oo soo labakacleeyey. Waa mirka uu gabayga khaliif ugu magac daray. [40] Abshir-Haamaan Muuse [41] Sarreeye Gaas Maxamed Abshir-Hamaan Muuse oo uu Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre inta xabsi ku ilaawey haddana ku taliyey in gabadhii uu qabay oo dalka Hindiya u dhalatay rag kale loo yeelo, ka dibna ay rag xukuumaddii ka mid ahi gurigeedii ku ordeen si ay fursadda uga faa’iidaystaan. Markaas xaaskii wadaadka maxbuuska ahi, iyadoo naxsan safaaraddii dalkeeda Soomaaliya u fadhidey magan gashay. Waxaa la tuhunsan yahay in ay arrintaasi ugu weyneyd sababaha keenay in uu Khaliif Darbadaaley ka jawaabo. [42] Daawad = sar dheer oo dabaq ah oo ay Daraawiishtii Eyl ka dhiseen [43] Giiro-dabataag = riyaha [44] Barasaabkii Gobolka Bari ee xilligaas. [45] Cananno = beeyo [46] Sarreeye Guuto Cabdullaahi Shiikh Maxamuud Xasan, Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliya (1974-78). Ereyfuryada iyo hordhacyada waxaa habeeyey Shaafici Xasan oo isla markaasna qoray labada gabay.

Waxaa laga keenay "http://so.wikipedia.org/wiki/Taariikhda_Gabayada"

No comments:

Post a Comment

Post a Comment